Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa dalkiisi ka baxsadey!

Published: July 13, 2022

Madaxweynaha Siri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa isaga cararay dalkiisi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AP.

Gotabaya Rajapaksa

Ka dib mudaaharaadyo waaweyn iyo weearkii Sabtidii lagu qaaday aqalka madaxtooyada, Madaxweynaha Siri Lanka ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilayo. Tan iyo markaas, Gotabaya Rajapaksa wuxuu ju jirey dhuumasho.

Madaxweyne Rajapaksa, xaaskiisa iyo laba askari oo ilaalo u ahaa ayaa dalka kaga baxay diyaarad milatari waxayna u duuleen caasimadda Maldives ee Malé xilli habeenimo ah Arbacadan, sida ay xaqiijiyeen ciidamada cirka ee Siri Lanka sida ay ka sio xigatey wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida ay BBC-da u sheegeen ilo-wareedyo kala duwan, Madaxweynaha walaalkii, oo ahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa isna dalka ka dhoofay.

Kuma faraxsani inuu cararay. Waa inuu xabsiga ku jiraa, ayuu yidhi 25 jir mudaaharaadaya oo qabsaday xafiiska madaxweynaha. Waxa uu ka qayb-qaadanayey mudaaharaadyo 97-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Rajapaksa waxa uu haystaa xasaanad , waxaana la rumaysan yahay in uu doonayey in uu dibadda aado ka hor inta aanu xilka wareejin si uu uga fogaado suurtagalnimada in la xiro.

Markii ay yimaadeen Jasiirada Maldives waxaa loo kaxeeyay meel aan la shaacin oo ay booliisku galbinayeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garoonka diyaaradaha ee Male.

Rajapaksa ayaa lagu eedeeyaa inuu si xun u maareeyay dhaqaalaha ilaa heer uu dalku ka dhamaaday sarifka lacagaha qalaad si loo maalgeliyo xitaa alaabooyinka muhiimka ah ee la soo dejiyo, taasoo keentay in 22 milyan oo qof ay dhibaato xoogan soo food-saartey.

Gotabaya Rajapaksa ayaa dalka soo xukumaayey tan iyo sanadkii 2019. Haddii uu xilka ka dego sidii ballantu ahayd, Ra’iisul Wasaare Ranil Wickremesinghe waxa uu si toos ah u noqon doonaa ku simaha madaxweynaha ilaa baarlamaanku soo dooranayo Madaxweyne xilkiisu ku eg yahay bisha November 2024-ka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *