Ukraine oo sheegtay inay gargaar Qamadi ah u soo dirayaan Soomaaliya

Published: September 7, 2022
Shares36

Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay hadhuudh/qamadi tan-kiisu gaarayo 28,600 metric tons ay todobaadyada soo socda gaarsiin doonan dalka Soomaaliya.

Kaalmada ayuu Madaxweyne Zelenskyy ku sheegay inay uga qeybqaadanayaan badbaadinta dadka macluusha iyo gaajada u dhimanaya iyadoo xaalada Soomaaliya ee abaartana aad looga deyriyay.

Dalka Ukraine waxaa ka socda dagaalo lagu hoobtay oo qeybo badan oo dalkaas ka mid ahna lagu burburiyay ka dib markii ay soo weerareen ciidamada Ruushka.

Dalkan waxaa ka barakacay dagaalada intii ay socdeen dadka badan 11 million oo ruux sidoo kale 5kun oo rayid ahna waxaa lagu dilay dagaalka ruushku dalkaas ku qaaday 24 febraayo 2022.

Hadalka Volodymyr Zelenskyy ayaa yimid iyadoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku eedeeyay reer galbeedku in ay leexadeen qamadigii Ukriane, halka heshiisku ahaa in la gaarsiiyo dalalka saboolka ah iyo qaaradqa Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *