Madaxweynayaasha Shiinaha & Ruushka oo ka wada hadlaya dagaalka Ukraine

Published: September 14, 2022
Shares48

Madaxweynayaasha dalka Shiinaha Xi Jinping iyo madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ka wadahadli doona dagaalka Ukraine iyo arrimo kale oo caalami ah iyo xaaladaha gobolka iyagoo toddobaadkan yeelan doono kulan, sida uu ku warramay Aqalka looga arrimiyo Ruushka Kremlin-ka.

Labada madaxweyne ayaa ku kulmi doona waddanka Uzbekistan, kulan-madaxeed lagu muujin doono in la helay isbeddel ka dhan ah Reer Galbeedka, ayuu yiri Kremlin-ka.

Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa maanta oo Arbaco ah safarkiisii ugu horreeyay ku tegayaa dalalka dibadda tan iyo markii uu dunida saameeyay cudurka Covid-19.

Wuxuu raadinayaa in markii saddexaad xilka loo soo doorto, halka xiriirka Putin iyo Reer Galbeedka uu sii xumaaday wixii ka dambeeyayduullaanka uu ku qaaday Ukraine.

Xi Jinping, wuxuu booqashadiisa ka billaabay dalka Kazakhstan, isagoo caasimadda dalkaas Nursultan ka degay Arbacadii.

Kaddib wuxuu la kulmi doonaa Putin Khamiista shirweynaha Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) ee Samarkand, kaasoo socon doona inta u dhaxaysa 15 – 16 Sebtember.

Putin waxa kale oo uu la kulmi doonaa madax kale oo ay ka mid yihiin kuwa dalalka Hindiya, Pakistan, Turkiga iyo Iran

Laakiin kulanka uu la yeelanayo hoggaamiyaha Shiinaha “waa mid muhiimad gaar ah leh,” ayuu yiri afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee Kremlin-ka, Yuri Ushakov.

Waxa uu sheegay in shir-madaxeedka ka dhacaya Kazakhstan uu yahay “mid gebi ahaanba kasoo horjeeda in isbeddel siyaasadeed la sameeyo”.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa muddo dheer raadinayay inay isla meel dhigaan hay’adda iskaashiga dhaqaalaha ee SCO, oo la aasaasay 2001-dii.

Waxaa xubin ka ah afar waddan oo ku yaalla bartamaha Asia, kuwaas oo uu horay u guumeystay Midowgii Soofiyeeti si ay uga maarmaan ururada Reer Galbeedka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *