Madaxweyne Deni oo dalka dib ugu soo laabtay

Published: October 18, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Garoowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowadda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garoowe, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagay dalka dibadiisa ayaa qaatay muddo todobaadyo ah mana jiraan wax warar ah oo kasoo baxay sababta iyo waxa uu daarnaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *