Madaxweyne Deni Oo Gudoomiyey Shir Looga Hadlayey Amniga Gobolka Bari

Published: March 10, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa shir-guddoomiyey kulan uu caawa la qaatay xubnaha golaha wasiirada ee ku sugan Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda gobolka oo meel wanaagsan maraya.

Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ayaa ku jira heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *