Madaxweyne Deni oo ka hadlay sababta keentay khilaafka kala dhaxeeya Kuxigeenkiisa Axmed Karaash

Published: May 31, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kadib muddo todobaadyo oo uu ka maqnaa.

Madaxweynaha waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, qaar kamid ah Xubnaha labada Golle ee Puntland, Saraakiisha Ciidan iyo qeybaha bulshada.

Madaxweyne oo soo dhoweynta kadib hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada kasoo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sidoo kale si dadban u soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeya kuxigeenkiisa Axmed Karaash iyo sababta keentay.

“Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaaney waa in aynu horey uga socona, laysna cafiyaa dibna aan la eegin” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa Wararka la helay ay sheegayaan in uu qorsheeyay isbedelo uu ku sameeynayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *