Madaxweyne Deni oo ka jawaabey heshiiskii Muqdisho dhawaan ka soo baxay ee Golaha wadatashiga qaranka

Published: May 30, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka horyimi go’aamadii ka soo baxay shirkii madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in Madaxda Golahaasi ay halis galiyeen Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay arkayeen oo ay ka digeen.

“Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii hore waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka, Haddii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale waxa uu intaas ku sii daray “Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay oo mudo haystay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah, 1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danbeeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah hadana sabab loo bedelo ma muuqato”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Xaafiiskii R/wasaaraha awoodiisii horey u qaatay Xassan Sheekh, haddana uuba burburiyey, taas oo halis ku ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay si madax banaan u dhaqmayso, ilaa Soomaaliya ay ka helayso dawlad kudhaqmaysa dhammaan waxyaabaha lagu heshiiyo iyo Sharciyada dalka.

Horseed Media