Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Wafdi Ay Hogaaminayso Wasiirka Haweenka Soomaaliya

Published: December 1, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha ee Dowladda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Madaxweynaha iyo Wafdiga ka socda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay marxaladda doorashada gaar ahaan doorka haweenka, iyo Haweenku sidii ay kooto ku filan uga heli lahaayeen Kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska ee dowladda Puntland Marwo Aamina Cismaan Xaaji, wasiir ku-xigeenka wasaaradda haweenka iyo horumarinta qoyska Puntland Marwo Sahro-kiin Cabdi Xirsi, agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka ee Soomaaliya Deeq Suleymaan iyo af-hayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *