Madaxweyne Deni oo maanta kulan gaar ah la yeelanaya Golaha Wakiilada Puntland

Published: June 19, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaar ah ka codsaday Xildhibaannada Golaha Wakiilada, kaas oo lagu wado inuu maanta ka qabsoomo Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garowe.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in ay fadhigaas tagaan.

Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Guddoonkooda ka codsaday in lala xisaabtamo Xukuumadda Madaxweyne Siciid Deni si wax looga qabto Xaaladaha ka taagan Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa marar kala duwan kulamo gaar ah la qaatay Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaannada qaar oo uu kala hadlay xaalado taagnaa xilligaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *