Madaxweyne Deni oo shaaciyey sababta keliya ee ay Puntland uga qeyb noqon karto dagaalka Laascaanood

Published: March 6, 2023

Puntland ayaa markale iska fogeysay in ay lug ku leedahay dagaalka Laascaanood, ilaa Bilowgii xaalka Laascaanood mawqifkeeda ayaa ahaa in aysan qeyb ka aheyn, dadka SSC ay isku filan yihiin.

“Dagaalka Laascanood Puntland qeyb kama ahan, waxaana ku kalsoonahay in dadka reer SSC ay ku filanyihiin ilaalinta sharafkooda, anaguna Gaws danbeed baanu u nahay, markey noo baahdana diyaar ban u nahay” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni Boosaaso ka hadlay.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay inay Puntland dagaalka ku biireyso haddii ay Isimada codsadaan.

“Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan Nu-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Boosaaso kaga qeybgalay kaas oo loogu hadlayey Horumarinta Degmada ee Hiigsiga 2030, iyo Habka loo horumarinayo magaalada, adeegyada dowliga ah, Kuwa Bulshada iyo nashaqadeynta magaalada.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha nashqadeynta ee ku socda magaalada, sida loo horumarinayo iyo adeegyada Bulsho ee magaalada.

Horseed Media