Madaxweyne Deni oo soo xiray Ololaha isku soo baxa Urur siyaasadeedka Kaah

Published: October 22, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasiyadeedka KAAH, ayaa maanta taageerayaasha Urur Siyaasiyadeedka KAAH kala qeybgalay isu soo baxa saddexaad ee ururka.

Madaxweynaha ayaa Dadweynaha Puntland ku baraarujiyay doorkooda ku aadan nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, wuxuuna ugu baaqay in ay guryaha kasoo baxaan 25-ka October si ay ugu codeeyaan Urur Siyaasadeedka KAAH oo isugu hirgrliyay in dadku wax doorto lana doorto.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ayaa markii ugu horeysay ka taabagalay Puntland, qorshahan ayaa ah balanqaadkii Madaxweyne Deni ee xiligii Doorashadda, waxaana Bulshada reer Puntland usoo dhoweeyeen siweyn in Riyadii dadka reer Puntland ay rumowday.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *