Madaxweyne Deni oo xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Ciidanka Booliiska ,Taliye cusubna magacaabay

Published: November 2, 2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Ciidanka Booliiska Puntland Sareeyo guud Cabdi Xasan xuseen Cabdiyare ,isagoona xilkaasi u magacaaabay Sareeyo Guud Maxamed Cali Xaashi.

Hoos ka akhrido Digreeto kasoo baxday Xafiiiska Madaxweynaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *