Madaxweyne Erdogan iyo Maxamed Bin Salman oo kulan ku yeeshay Jeddah

Published: July 18, 2023

Recep Tayyip Erdogan ayaa isniintii shalay gaaray magaalada Jeddah lugtii koowaad ee safar uu ku marayo saddex waddan oo Khaliijka ah, iyadoo ajandaha ugu sarreeya uu yahay mid ganacsi iyo maalgashi.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyo ku dhawaad 200 oo qof oo isugu jira ganacsato, maalgashadayaal iyo milkiilayaasha shirkadaha.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinac walba ah, iyo waliba xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka & caalamka.

Waxa kale oo ay ka qayb galeen heshiisyo dhowr ah oo dhinacyada tamarta, warshadaha difaaca, cilmi baadhista iyo horumarinta, maalgashiga tooska ah, warbaahinta, iyo sidoo kale laba qandaraas oo loo saxiixay shirkadda Turkiga ee Baykar.

Booqashada Erdogan ee Sacuudiga waxaa ku xigi doona safarro uu ku tagi doono Imaaraadka iyo Qatar, iyadoo kulamo ganacsi ay ka dhici doonaan dhammaan saddexda dal. “Ajandahayaga koowaad wuxuu noqon doonaa maalgashi wadajir ah iyo dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo aan la leenahay dalalkan,” ayuu yiri Erdogan.

Horseed Media