Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle Iyo Kuxigeenkiisa

Published: November 11, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka cusub ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay magaalada Jowhar.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu ku bogaadiyey guddoonka, xildhibaannada baarlamaanka iyo guddigii doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”

farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle.

Isagoo ugu dambayn Alle uga baryay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee horyaalla, bulshada deegaankana ay ku hagaan caddaalad iyo horumar waara.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *