Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in dastuurka cusub uu abuurayo keli-talisnimo

Published: April 15, 2024

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Xuseen Cusmaan Lugatoor ayaa hoosta ka xariiqay in muddo 30 sano kadib dowladnimada Soomaaliya khatar ugu jirto in loo beddelo nidaam kaligiis talis ah oo awoodda dalka ay ku arurto xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, oo ka qeyb galay dood habeenkii xalay ka dhacay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayaa sheegay, sababta dastuurka wax looga beddelay in ay tahay in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada lana sameeyo raysalwasaare aan awood lahayn, iy baarlamaan daciif ah.

Lugatoor ayaa doodiisa ku sheegay in sastuurkii 2012 qabyo ahaa, marka qabo la dhahaayo waa dhamaystirnaa waxaa dhimanaa qodobo dhawr ah oo u baahnaa in laga heshiiyo, sida awoodaha heer federaal iyo heer dowladgoboleed, habka loo qaybsanaayo kheyraadka, maqaamka caasimadda iyo kuwo kale.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku dooday in dastuurkii la isku ogaa la wada beddalay marka la eego dastuukan cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh wado.

“Dastuurkaan cusub wuxuu abuurayaa nidaam unitary ah (nidaam dowlad dhexe), oo awooddoo dhan ay Madaxweynaha ku urursan tahay, xitaa la yiraahdo raysal wasaaraha wuxuu lamid yahay sida wasiirka, oo waa la eryi karaa. Dalku wuxuu hadda luminayaa isku dheeli tirnaantii xukunka dalka lagu maamulayay,” ayuu yiri Lugatoor.

Puntland waxaa ka goa’an oo ay u taagan tahay, inaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxba ka khaldamin, in la difaaco aragtida federaalka ah, danaheeda gaarka ahna Puntland ay difaacato ayuu yiri Lugatoor.

Horseed Media