Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Oo Qaabilay Madaxda Hay’adda Interpeace

Published: March 5, 2024

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Interpeace, Itonde Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee dowladda Puntland iyo Hay’adda Interpeace, kor uqaadida mashaariicda Nabadda, xasillinta iyo Arrimaha Dimuqraadiyadda.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa kulanka ku wehliyay saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Horseed Media