Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo laga hirgaliyay magaalada Ufayn

Published: October 25, 2021

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo laga hirgaliyay magaalada Ufayn ee gobolka Bari.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr.Jaamac Faarax Xasan ayaa ka qaybgalay xarig jarka Isbitaalkaan cusub ayaa ka yiri, “Waxaan aad ugu faraxsanahay in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland nagala soo qaybgalo furitaanka cisbitaalkaan aan ka furayno magaalada Ufayn ee gobolka Bari, Isbitaalka oo ah mid weyn ayaa qaban doona dhamaan adeegyada looga baahanyahay, waxaana dhawaan kusoo kordhin doonaa qaybtii qaliinka, kaasoo fududeyn doona dhalmada hooyada uurka leh ee ubaahata in laqalo.”

Wasiirka Caafimaadka ayaa intaa ku daray in Wasaaraddu ay dadaal ugu jirto in adeegyada caafimaadka la gaarsiiyo deegaannada fogfog. gaar ahaan kuwa laamiga ka baxsan.

Madaxweyne ku-xigeenka  Puntland ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada bulshada, waxaana uu u mahadceliyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland dadaalka ay galiyeen furitaan xarunta caafimaad.

Dhismaha Isbitaalka cusub waxaa iska kaashaday dadweynaha magaalada Ufayn iyo dowladda, waxaana laga fulin doonaa qalliimada kala duwan oo ah adeeg ku cusub magaalada, kaasoo ay  baahi wayn u qabeen shacabka Ufayn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *