Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Iyo Wasiirka Shaqada Soomaaliya Oo Ku Kulmay Garowe

Published: November 17, 2020

Ku-simaha madaxweynaha Puntland, ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland marwo Hodan Saciid iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid.

Wasiir Duraan ayaa madaxweyne kuxigeenka uga warbixiyey ujeedka safarkooda oo ah inay taageero dhaqaale oo siiyaan qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa, kaas oo qayb ka ah barnaamijka Baxnaano.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Ninkan wasiirka ah ayaa lagu sheegay, inuu ka shaqaynayay guriga Madaxweynihii hore ee Galmudug XAAF….Aqoon ahaan isaga iyo Axmed Karaash Waa Isku Nooc…Farmaajo waxuu urursadaa dadka inta ugu aqoon liidata, waana nasiibdarro weyn, waase in Soomaali ka badbaadisaa Kooxda tayada iyo aqoonta liidata Somalia 2021 ….