Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo ka jawaabay hadalkii Xamse ee xaalka Laascaanood

Published: May 10, 2023

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed  Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka jawaabay hadalkii kusaabsanaa xaalka Laascaanood ee habeen kahor uu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Karaash ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Xamse aysan marnaba ka fileyn inuu garab istaag u muujiyo shacabka goboladda SSC.

“Xamse awalba garab istaag kamay filayn Shacabka reer SSC ee loo Xasuuqayo Midnimada Ummada Soomaaliyeed, inuu hadalo noocaas ah oo ka fiirsasho la’aan ah Warbaahinta usoo mariyo waxba kama bedeli doonto mawqifkooda iyo halganka ay ku jiraan toona” ayuu yiri Axmed Karaash.

Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Isagana waxay dani ugu jirtaa inuu iskaga aamusnaado sidii looga bartay”.

Horseed Media