Madaxweyne Laftagareen oo ka warbixiyey Safarkii uu ku tegey Dowlad Deegaanka Soomaalida

Published: August 11, 2022
Shares958

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Gudoomiyey shirka Golaha Wasiiradda ee Dowlad Goboleedkaas oo Todobaadkan Warbixin looga dhagaystay Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta, Amniga, Arimaha Gudaha iyo Gargaarka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Golaha warbixin ka siiyey Safarkii shaqo ee ugu maqnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida isagoona sheegay in isaga iyo Madaxweyne Mustafe Cagjar ay ka wada hadleen is kaashiga Arimaha Amniga, Waxbarasha iyo Ganacsiga 

Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Qorshaynta, Arimaha gudaha iyo Gargaarka ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ee Wasaaradaha ka socdo iyo dadaalka ay ugu jiraan Hormarinta iyo wax uqabashada Bulshada ku nool guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Golaha Wasiiradda uga Mahadceliyey Dadaalka ugu jiraan uadeegida Bulshada adeegi lahayeen Shacabka Waxaana uu Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey inay xooga saaran ugurmashada Dadka ay Abaaruhu Saameeyeen, Xoojinta kawada shaqaynta Xaqiijinta Amniga. 

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *