Madaxweyne Laftagareen oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho

Published: September 10, 2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayey waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Abdule kuso dhoweyey Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Caasimadda. 

Madaxweyne Laftagareen ayaa Socdaalkiisa Muqdisho ku qotoma ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee looga hadlayo Xaalada Dalka.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa isla maanta gaaray Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Hirshabelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *