Madaxweyne laftagareen oo sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad adag oo gumeysi ah

Published: July 1, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafatagareen) oo khudbad ka jeedinayay munsaabadda 1-da luulyo oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in xilligii Soomaaliya ay ka xuroobeysay gumeystihii Talyaaniga & Ingiriiska ah ahaayeen kuwo mideysan oo ay ka go’neyd in dadka ka dambeeyabay xurnimo ku noolaadaan.

Madaxweyne laftagareen waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in 62 sano kadib xilligaan dowladnimada Soomaaliya ay marxalad adag gashay, isla markaana uu dalka kujiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in  dhalinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, isla markaana dadkooda, dowladooda iyo calankooda intaba lagu diray, iyaga oo usoo maleegaya dhibaatooyin kala duwan.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Soomaaliya looga dabaal dagayo markii Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana ay la midoobeen Gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaan Somaliland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *