Madaxweyne Xasan oo Cali Jeyte oo xil u magacaabay

Published: October 29, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey Inuu noqdo U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda).

Mudane Cali Jeyte Cismaan oo horey u soo noqday Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Xildhibaan heer Federaal, ayaa kaalin weyn kulahaa dagaalka Alshabaab looga saaray inta badan gobalka Hiiraan.

Wuxuu Cali Jeyte horey u sheegay inuu dhisayo maamul u gaar ah gobalka Hiiraan, kadib markii uu khilaaf xoogan soo kala dhexgalay Maamulka Hirshabelle.

Horseed Media