Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Faa’iidi ka mid Noqoshada Suuqa Bariga Afrika

Published: June 2, 2023

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbadda Salaadda Jumcaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii taariikhiga ahaa ee Madaxda Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay ku aqbalaeen codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika.

Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego waa la aqbalay codsigeenni ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkan ayaa kulankoodii 21aad OO ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda Jamhuuriyadda Burundi, waxay si rasmi ah ugu ansixiyeen warbixinta Guddigii Gaarka ee loo xilsaarey hubinta codsiga Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Ansixintaasi kadib waxaa madaxda ay fareen xoghaynta ururka inay bilaabaan habraacii farsamo ee Somalia ay rasmi ahaan ugu biiri lahayd ururka.

Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan mas’uuliyadaha la socda ka sokow, waxay keeni doontaa faa’iidooyin dhanka diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Ganacsatada Soomaalida ayaa fursad u heli doona inay ka hawlgalaan dhammaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay. Waxaa faa’iidooyinkaasi la socda in baasaboorka Soomaaliga uu ka mid noqonayo Midowga Baasaboorada Bariga Afrika oo sahlaya isku socodka iyo degaanka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka.