Madaxweyne Xasan oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Kenya

Published: November 19, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah u sameeyay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto, oo dhameystay muddo xileedkiisa danjirimo.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maj Gen (Rtd) Thomas Chepkuto ku bogaadiyey shaqada wanaagsan ee ah adkeynta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya iyo gudashada waajibaadkiisa.