Madaxweyne Xasan oo la kulmay Kuxigeenka Xoghayaha UNta

Published: September 3, 2023
Shares30

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Atul Khare oo booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan duullaanka militari ee ka dhanka ah argagixisada, dhimista ciidamada ATMIS, iyo taageerada UNSOS ee ATMIS ee Soomaaliya kadib.

Dowlada Soomaaliya oo xilliga diirada saareysa la dagaalanka kooxda Al Shabaab ayaa dooneysa inayn taageero caalami u hesho qorshaheeda kahor inta aan la gaarin bixitaanka ciidamada ATMIS.

Horseed Media