Madaxweyne Xasan oo sheegay in dalka ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen SYL

Published: May 15, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska  aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan Al-shabaab.

“Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”. Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka.

Horseed Media