Madaxweyne Xasan oo sheegay inay hayaan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay musuqmaasuq

Published: May 12, 2023
Shares64

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka soomaaliyeed ay toos warbaahinta ugala socondoonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha Qaranka.

Madaxweynaha agaa sheegay in ay hayaan shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay catooyo xoolo dadweyne, oo ay laamaha Garsoorka baaris ku wadaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan waxba laga qaban karin, howlaha dawladdu balanqaaday, haddii aan lala dagaalamin musuqmaasuqa, isagoo ka digay in qof musuqmaasuq lagu helay aan laha daba imaan karin, si looga sii daayo gacanta Hay’addaha amniga. 

Kordhinta Canshuuraha ayuu sheegay in ay sax tahay, xili isla dawladdu ka laabatay oo kucelisay 50%, agabyada qaarkod ayuu sheegay in ay tahay in lakordhiyo lacagaha ka qaado dawladdu.

Waa markii 5-aad ee madaxda dawladda Federaalka ay musuqmaasuq ka digeen, 7 maalmood gudahood taas oo ka dhigan, in ay soo gaarayan digniino muujinaya baaxada Xatooyada, Hantida dawladda iyo Canshuuraha la qaado.

Horseed Media