Madaxweyne Xasan Sheekh muxuu kala hadlaayaa Al-Siisi ga Masar?

Published: July 24, 2022
Shares6
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh dhigiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadal ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, amniga iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo xiriir qoto dheer la leh Siyaasyiin iyo saraakiisha dalka Masar.

Waa safarkii todobaad ee Madaxweynhu dalka uga baxo iyada oo aan weli la dhisin Xukuumad shaqeysa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *