Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cabdisalaam Hadliye u magacaabay Ergayga ururka EAC

Published: August 14, 2022
Shares26

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergaygay Gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrka ee EAC u magacaabay Cabdisalaam Hadliye Cumar, sida lagu sheegay qoraal kusoo baxay bogga Twitterka ee rasmiga ah ee madaxtooyada.

Cabdisalaam Hadliye ayaa horay Soomaaliya uga soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii hore magaalada Arusha ee dalka Tanzania, uga qeyb-galayo shirka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaana uu sharraxaad ka bixiyay sababta ay Soomaaliya u dooneyso inay uga mid noqoto ururkaas.

“Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *