Madaxweyne Xasan Sheekh oo caddeeyey sida uu u jecel yahay qofka amaana

Published: August 16, 2023
Shares8

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Senator Cismaan Abuukar Dubbe ku amaanay hadal uu maalin ka hor ka jeediyey kulan uu yeeshay golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, hadalkaas oo uu ku amaaney Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafladii 14-ka Agoosto ee sanad guurada Galmudug ka sheegay inuu dhageystay hadalka Sanetor Dubbe, wuxuuna sheegay inuu jeclaan lahaa in dadka dhan ay sida Dubbe u fekeraan.

“Waxaan daawaday Senator Dubbe oo ka hadlaya Aqalka Sare, si Soomaalinimo ah oo macna leh, qof kastana oo qof kasta oo Soomaali ah in intaas oo kale uu fahmo ay muhiim noo tahay ayuu u hadlay,”

Xasan Sheeh Maxamuud

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay hadallada xun meel iska dhigaan oo dowladda lagu garab siiyo dagaalkaan, “War qof kastow wixii aad nagu tari karto halganka socda ku tar, inta uu rabo hala ekaado, dagaalan cidi kuguma qasbeyso, laakiin xeelado badan ayaad uga qeyb qada kartaa xoreynta dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula taliyey qofkii aan garab istaagi karin hawlaha uu ka shaqeynaayo inuu iska aamuso.

Horseed Media