Madaxweyne Xasan Sheekh oo degmada Maxaas ku wajahan

Published: September 3, 2023
Cali jeyte Cismaan Madaxweynaha mamaulka la baxay Hirraan State

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tegaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, maalmihii u danbeeyey waxaa halkaas gaarey ciidamada ilaalada Madaxweynaha iyo saraakiisha gobolka Hiiraan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u arkey degmada Maxaas goob istraatiiji ah oo uu ka hagi karo dagaalka dalka looga sifeynaayo al-Shabaab.

Tegitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Hiiraan ayaa yimid wadahadal dheer oo uu la yeeshay Guddoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo hadda sheegta Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hiiraan oo ah mid uu iskiis ugu dhawaaqey kadib markii sabab aan la aqoon xilka looga qaadey.

Cali Jeyte ayaa khudbad uu ka jeediyey Maxaas maalintii shalay sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha uu Maxaas u imaanayo iney ka mid tahay xal u helida tabashada maamul ee dadka reer Hiiraan ay qabaan oo mudo dheer soo jiitameysay.

“Mar hadii aan waxba la isku ogoleyn ma dhici doonto in raali la wada ahaado, Soomaalidu waa dad wax isku darsaday, dowladnimada waxaan ku wada ilaasha karnaa inay dadka ka dhaxeyso”

Cali jeyte Cismaan

Dadka deggan gobolka Hiiraan ayaa dhibaato xooggan ka tirsanaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo isla gobolkaas ku dhashey, ugu horeyn caasimaddii Hirshabelle ayey oggoladeen in laga dhigo Jowhar kadibna waxaa laga qaadey Madaxweynihii Hirshabelle, waxa taas u dheer in dowladdu ay ka gaabisey halganka ay isaga xoreeyeen al-Shabaab oo iyagu bilaabeen sanadkii 2022.

Horseed Media