Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka JFS

Published: November 25, 2023
Shares108

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad ee labadda Gole ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha Xasan ayaa Golaha u jeediyey khudbad nuxurkeedu ahaa dagaalka dowladdu ku qaaday khawaarijta oo guulo laga gaaray.

Xasan Shiikh ayaa sheegay in la joogo wakhtigii uu qabyada ka bixi lahaa lana dhamaystiri lahaa Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Dhameystirka Dastuurka iyo qorshaha Madaxweynaha ayey dood weyn ka taagan tahay.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale sheegay inuu rajeenayo in dhawaan laga qaado Cuno-qabataynta hubka iyo waliba dhammaado mashruuca dayn cafinta Soomaaliya.