Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Aadan Yabaal oo kamid ah goobihii laga xoreeyay Al-shabaab

Published: March 26, 2023
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa waxaa degmadaasi kusoo dhoweeyay saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dadka deegaanka.

Ujeedka safarka wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah u kuurgelidda xaaladda Degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada kale ee udhow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa horay u tegay degmooyin katirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo laga qabsaday Al-shabaab.

Horseed Media