Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Published: July 15, 2022
Soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh ee Nairobi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaddib martiqaad uu ka helay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxdii Xasan Sheekh ku soo dhoweysay Magaalada Nairobi

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Kenya oo uu kamid yahay Wasiirka beeraha ee dalkaasi, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya kii Afaraad ee uu ku tago dalka dibaddiisa tan iyo markii la doortay 15ka May ee sanadkan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *