Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmey kaaliyaha xogyaha guud ee QM ee arrimaha bini’aadanimada

Published: September 1, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah OCHA Martin Griffiths. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Martin Griffiths qorsheyaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada arrimaha bani’aadamnimada ee ka dhashay saameynta abaaraha ka jira dalka iyo qeybo ka mid ah gobolka Geeska Afrika, taas oo u baahan in si wadajirka ah la isaga kaashado heer dowladeed iyo heer Caalam intaba. 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ahmiyadda siinayaan ka jawaabidda baahiyaha deg deg ah ee bulshada iyo barnaamijyada ku saleysan hiigsiga fog, si xal waara loogu helo caqabadaha soo noqnoqday ee ay ka mid yihiin abaaraha iyo isbeddelka cimilada, isagoo hoosta ka xariiqay in diirradda la saaro xilligan sidii gargaarka bani’aadamnimo loogu saleyn lahaa shaqo abuur qaran, maalgashi, hannaan ka tarjumayo isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey hay’adda OCHA taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan gargaaridda dadka abaaruhu saameeyeen iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhashay. 

Dhankiisa, Martin Griffiths Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka Degdegga ah ee OCHA ayaa sheegay, in Soomaaliya xaalad bini’aadanimo oo qarka usaaran macaluul ay ka jirto, ayna tahay xiligii loo midoobi lahaa sida wax looga qaban lahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *