Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay falalka amni darro ee ka dhaca Muqdisho

Published: July 30, 2022
Shares18

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay amniga ee caasimadda Muqdisho, kadib markii ay kordheen falalka dhaca iyo dilalka qorsheysan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan laga daba imaan dadka dambilayaasha ah markii ay gacanta kusoo dhiggaan ciidamada Ammaanka dowladda.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka go’an tahay in la xaqiijiyo amniga, si looga hortego falalka amni darrada ah ee xilligaan ka dhacaya caasimada Muqdisho.

“Dowladda waxaa ka go’an in amniga la sugo waa saxeynaa, waana la ciqaabayaa askariga qaldan waa la toosinaa, waana la daba socdaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada la shaqeeyaan, sharcigana ay garab siiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *