Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabad Aqalka Sare

Published: November 26, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Aqalka Sare kaga qeyb-galay munaasabad lagu abaal marinayey guddiyada, sanatarrada iyo guddoomiyeyaash guddi-hoosaadyada muujiyey howlkarnimada dheeraadka ah.

Inta lagu guda jiray kalfadhigii 3-aad ayaa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen, isagoo tilmaamay in arrinkan uu tusaale u yahay Hay’adaha kale ee dowladda.

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri: ”…Waxaa muhiim ah in qofkii ku fiicnaada ilaalinta shaqada iyo gudashada waajibaadka Qaranka uu ka duwanaado dad kale…”.