Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey Brian Nelson ku-xigeenka xogyaha Waaxda Maaliyadda Maraykanka

Published: July 27, 2023
Shares4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada Mr Brian Nelson.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa la wadaagey masuulka ka socdey Maraykanka in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada.

Mr Brian Nelson ayaa kala hadley Madaxweynaha Soomaaliya, arrimo la xiriira cunno qabateynta argagsixisada, sidoo kale waxa uu kala hadley qorshaha Ruushku bilaabey ee ah in u Afrika siiyo Qamadi iyo Haruur kadib markii uu ka baxay heshiiskii dhoofinta qamadiga. Mr Brian ayaa sheegay in Ruushka ay saaran tahay cunno qabateyn, saaxiibka weyn ee Afrikauu yahay Maraykanka.

Maraykanka ayaa ka welwelsan xiriirka dhaw ee Ruushku la yeeshay dalalka qaaradda Afrika, iyada oo maanta oo khamiis ah magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka uu ka bilowdey shir laba maalmood ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Afrika.

Dhanka kale Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo ladagaallanka argagixisada.

Horseed Media