Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadli doona Xildhibaanada labada Aqal maalinta Arbacada

Published: February 20, 2024
Shares14

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalbadey maalinta Arbacada ah ee 21 Feb 2024 in uu khudbad u jeediyo labada Aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka oomaaliyeed oo wada jira.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa maanta oo Salaasa ah lala wadaagey fariin qoraal ah oo xambaarsan ogeysiiskan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan ka soo noqdey shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay xaruntiisa Adis Ababa. Madaxweynaha ayaa shirka 37aad ee Midowga Afrika ka jeediyey khudbad isla markaana ka soo tegay ka hor xiritaanka shirka kadib markii Dowladda Itoobiya ay si weyn ugu geftey wefdiga Soomaaliya.

Muranka ka dhashey damaca Itoobiya in ay qaadato Biyaha Soomaaliya iyada oo heshiis la saxiixatey Muuse Biixi ayaa maraya meel aad xasaasi u ah. Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa habeenkii Salaasada kulan degdeg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana khudbad ka jeedisey Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Safiirada dowladaha shisheeye u fadhiya QM badankood ayaa isku raacey in midnimada, madaxbanaanida iyo qaranmiada Soomaaliyeed ay tahay lama taabtaan.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbadiisa warbixin dheer ku siin doono Xildhibaanada iyo Ummadda Soomaaliyeed halka xaalku maraayo, sidoo kale waxa uu ka hadli doonaa siyaasadda dalka.

Fadhigii maalintii shalay ee Salaasada waxaa ka qaybgalay Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed oo aan horey looga baran in uu fadhiyada xaadiro waxaana uu halkaas ka jeediyey khudbad isaga oo eedeyn culus dusha uga tuurey Madaxweyne Xasan Sheekh, ma cadda in Shariif Sheekh Axmed imaan doono khudbadda Madaxweyne Xasan codsadey in uu u jeediyo labada Aqal.

Horseed Media