Madaxweyne Xasan Sheekh oo Garowe ka dhoofay iyadoo aan war laga soo saarin wadahadalkii Puntland

Published: August 29, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar qaatay muddo afar maalmood ah ku tagay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa Isniintii dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugnaa magaakada Garowe kulamo kula qaatay Madaxweyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulamada ayaa looga hadlay tabashada uu Madaxweynaha Puntland ka yahay Dowladda Federaalka, gaar ahaan hannaankii lagu soo xulay Xubnaha Golaha Wasiirada ee xukuumadda, sida ay laga soo xigtay ilo ku dhow labada dhinac.

Sidoo kale kulamada ayaa looga hadlay dhameystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo in Puntland loo fasaxo mashaariicda horumarinta, loona madaxbannaaneeyo.

Ma jiro wax hadal ama war ah oo laga soo saaro kulamadaasi, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb galay kulan casho ah oo lagu maamuusay isaga iyo wefdigiisa.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh ayaa la kulmay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, isagoo kala halday in ay door muuqda ka qaataan horumarka Soomaaliya & Adkeynta Downadnimada iyo Midnimada Shacabka Soomaalliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *