Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii 8aad ku tagaya dalka Uganda

Published: August 7, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu safarkii sideedaad tan iyo markii la doortay, uga ambabaxayo Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa filayaa inay booqashadiisa dalka Uganda ay qaadan doonto muddo labo maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala kula kulmi doona Madaxda dalka Uganda, isaga oo sidoo kale ka qeyb geli doona shir looga hadlayo iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda.

Shirkan ayaa hal-ku-dhig looga dhigay horumarinta iskaashiga Uganda iyo Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga iyo dalxiiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *