Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho Dadweyne 2026ka

Published: May 2, 2023
Shares18

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Dood-furan oo si toos ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo weydiinayeen su’aalahooda la xiriira dowladnimada iyo waxqabadkiisa sannadkii tagay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadda ugu weyn ee dib dhigtay dalka ay tahay Al-shabaab galaafatay nolasha kumannaan kun oo dadkeenna ah, caqabaddana ku noqotay nolasha, horumarka iyo wax-wadaqabsiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda uu hoggaaminayo ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho Dadweyne si looga gudbo midda dadban ee wakiilada Beelaha kusoo xulayaan Xildhibaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in wax badan laga soo bartay sababaha suuragelin waayay Doorasho Dadweyne ee loo doorbiday Mid dadban oo lagu soo maalin mooday waa sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2026ka oo ku siman muddo xileedkiisa Dastuuriga ah ayuu rajeeyay in dalka ay ka dhacdo Doorasho dadweyne oo Shacabku ay ku dooranayaan wakiiladooda iyada oo aanay jirin dad kooban oo lasoo xulayo waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale mar wax laga weydiiyey Arrinta Laascaanood ayuu ku jawaabay; “Waxaan mudnaanta koowaad siinaynaa in la joojiyo colaadda socota, la joojiyo dhiigga qulqulaya, kaddibna miis la wada fariisto oo la wada xaajoodo. Dadka Laascaanood waxaan u haynaa mudnaan gaar ah maadaama ay calankii buluugga ah ku adkeysanayaan, midnimadana u ololeynayaan. Wax aysan raali ka ahayn cidna kuma khasbi karto, waxaanse dooneynaa in rabitaankooda aysan dhiig badan u daadan.”

Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale ka hadlay khilaafka ka dheexaya Federaalka iyo Puntland; “Madasha aan isugu imaanno dowlad-goboleedyada dalka dhammaantood waa ka soo qeyb-galeen, markii laga reebo kulankii ugu danbeeyey ee Baydhabo. Hadda saddex Madaxweyne oo dowlad-goboleed ayaan u xilsaarnay in ay soo dhegaystaan tabashadooda. Ma jiraan wax aan annagu ilaa haatan ognahay, ama nalala wadaagay oo ku saabsan waxa ay diidan yihiin.”

Horseed Media