Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhin doona dalkeenna Mudane Joacim Waern.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Danjire, Joacim Waern in uu ka miro dhaliyo matelaadda dalkiisa iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.
Dhanka kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dedaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay sidii dowladdiisa ay door weyn kaga qaadan lahayd in dalalka caalamka Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiran sidii dalkeenna looga cirib tiri lahaa khawaarijta.