Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Shariif Shiikh Axmed Oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Hirshabeelle

Published: July 4, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaalada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-shabaab lagu cirib tirayo.

Dhankiisa, mdaxweynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id galabta ay wada qabteen isaga iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuumadaxweyne Xadan kala hadlay xiisada Hirshabelle ee ka dhalatay xil ka qaadistii gudoomiyihii gobolkq Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo muranka beelaha Xawaadle iyo Abgaal ee deegaanka Xalfooleey.

Horseed Media