Madaxweyne Xasan Shiikh Iyo Xoghayaha QM Oo Ku Kulmay Newyork

Published: June 25, 2023

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada New York kula kulmay xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadda , amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, kuwaas oo laga xoreeyay deegaanno badan oo dalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya.

Horseed Media