Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Hambalyo Ka Diray Maalinta Xoriyadda Jabuuti 27-Juun

Published: June 27, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti  u diray  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga, waxa uuna xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha  nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.

Horseed Media