Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Ka Qaybgalay Xuska Munaasabadda 1da Luulyo

Published: July 1, 2023

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii.

Xuskan oo sanad kasta lagu qabto caasimadda Muqdisho iyo inta badan dhulalka Soomaalida ayaa lagu weyneeya maalmaha xoriyadda.

Horseed Media