Madaxweyne Xasan Shiikh Oo La Afuray Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka

Published: March 12, 2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isaga oo kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay eybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka.

Horseed Media