Madaxweyne Xasan Shiikh Oo La Kulmay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka

Published: June 15, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalkeenna ayaa kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo hirgaliyo hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka ay kula wareegayaa amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada Al shabaab.

Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Horseed Media